Jahwareer xoogan oo ka taagan safaaradda Soomaaliya ee Nairobi

0

NAIROBI (SMN) – Waxaa soo ifbaxaya jahwareer ka dhex taagan Safaaradda ay Soomaaliya ku leedahay Kenya iyo Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka aragtida duwan DFS islamarkaana uu fadhigoodu yahay magaalada Nairobi dalka Kenya.

 

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo waajibaadka loo igmaday ay tahay in ay ka shaqeyso arrimaha diblumaasiyadda iyo in ay u adeegto dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi ayaa mudooyinkii danbe lagu eedeynayey in ay isku dayeysay caburinta iyo cabsi gelinta Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee ku sugan Kenya.

Xildhibaanada kala ah Xasan Cabdi Nuur iyo Kooshin Axmed oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kal hore sheegay in loo adeegsaday Sirdoonka Kenya iyagoo ku sugan magaalada Nairobi islamarkaana dhowr saacadood loo heystay afduub.

Xildhibaanadaan ayaa carabaabay in xarigooda iyo ku tumashada xasaanadooda ay ka danbeysay DFS oo adeegsanaysa Safaaradda ay ku leedahay dalka Kenya.

Shabelle ayaa heshay cadeymo rasmi ah oo muujinaya in Ciidan amniga Kenya loo adeegsaday soo qabashada Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee amniga iyo siyaasadda Gobolka Benaadir Mudane Cali Cabdi Wardheere ( Cali Yare Cali)

Sidoo Kale Shabelle waxay heshay sawiro iyo muuqaalo ay duubtay Camerada CCTV askarta Kenya oo gelaya guriga uu Cali Yare Cali ka degan yahay Magaalada Nairobi dalka Kenya.

Isku soo wada duubo siyaasiyiinta mucaaradka ah ee ku nool dalka Kenya ayaa xiligani u arka in u adeegsiga Safaarada ee caburintooda mid dhaawacaysa sumcadda Safaarada iyo mida Dowladnimadda Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here