MUQDISHO – Maamul-goboleedyada Jubaland iyo Puntland ayaa siyaabo kala duwan uga falceliyay go’aankii shalay ka soo baxay fadhigii Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kaas oo lagu laalay dhammaan heshiisyadii iskaashi ee Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyadu kula shaqeynayeen Dowladda Imaaraadka Carabta.
Warsaxaafadeedyo kala duwan oo ay soo saareen labada maamul ayaa lagu muujiyay diidmo xooggan oo ka dhan ah go’aankaas, iyaga oo ku tilmaamay mid ka hor imanaya Dastuurka Federaalka, isla markaana halis ku ah amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo wada shaqeynta u dhexeysa dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada.
Puntland ayaa warsaxaafadeedkeeda ku sheegtay in go’aanka Golaha Wasiirradu uu jebinayo Dastuurka Kumeelgaarka ah, gaar ahaan qodobbada qeexaya awoodaha iyo madaxbannaanida dowlad-goboleedyada. Waxay sidoo kale xustay in heshiisyada lala galay Imaaraadka Carabta ay door muhiim ah ka qaadanayeen la dagaallanka argagixisada, sugidda amniga, iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha ee deegaannadeeda.
Dhankeeda, Jubaland ayaa caddeysay in heshiisyada la xiriira horumarinta Dekedda iyo Garoonka Diyaaradaha ee Kismaayo ay yihiin kuwo sharci ah oo waafaqsan Dastuurka Dowlad-Goboleedka Jubaland, iyadoo ku eedeysay Dowladda Federaalka mas’uuliyad-darro iyo ku takri-fal awoodeed.
Labada maamul ee Jubaland iyo Puntland ayaa isku raacay in aysan aqbali doonin wax go’aan ah oo lagu joojinayo mashaariic horumarineed iyo iskaashi amni oo si sharci ah uga socda deegaannadooda, iyaga oo uga digay Dowladda Federaalka in tallaabadaasi ay sii fogeyn karto khilaafka siyaasadeed ee dalka.
Go’aanka Golaha Wasiirrada Federaalka ayaa kusoo aadaya xilli uu dalka wajahayo xaalad siyaasadeed oo xasaasi ah, waxaana laga cabsi qabaa in khilaafkan uu saameyn ku yeesho wada shaqeynta dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada, iyo sidoo kale mustaqbalka hannaanka federaalka Soomaaliya.




