KISMAAYO – Maamulka Jubaland ayaa si adag uga xuntahay go’aanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ka celiyay diyaaraddii waday wafdiga hordhaca ah iyo ilaalada gaarka ah ee Madaxweynaha Jubaland, hawada Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed rasmi ah, diyaaraddii markii ay ka duushay Garoonka Sayid Maxamed Cabdille Xasan, waxaa si rasmi ah loola socodsiiyay Hay’adda Duulista Rayidka, guddiga qaban-qaabada shirka, iyo laamaha Amniga Dowladda Federaalka. Hase yeeshee, diyaaraddii markii ay ku dhowaatay Muqdisho, waxaa si lama filaan ah loo soo saaray go’aan ah in dib loogu laabto Kismaayo, iyadoo aan la hubin in shidaal ku filan la haysto. Arrintan ayaa lagu tilmaamay masuuliyad-darro iyo go’aan cadownimo ah, oo halis gelisay nolosha wafdiga.
Sidoo kale, maanta waxaa hawada laga celiyay labo diyaaradood oo shacab ah, taasoo sii muujinaysa halista iyo qalalaasaha ka dhashay tallaabooyinka noocan oo kale ah.
Jubaland ayaa ku eedeysay Dowladda Federaalka inay ka caga-jiidaysay qabsoomidda Shirka Wadatashiga ah ee Muqdisho, islamarkaana u muuqato inay u marto wado walba baajinta shirka, taasoo muujinaysa niyad-sami la’aan iyo ka go’naansho la’aan xal u helidda xaaladda cakiran ee dalka.
Jubaland waxay caddeysay in aysan jirin wax go’aan ah oo ay wada gaareen guddiyada wadajirka ah ee la xiriira tirada ilaalada ama martida wafdiga, isla markaana wararka sheegaya heshiis ay gaareen labada dhinac ay yihiin been-abuur.
Ugu dambeyntii, Dowladda Jubaland waxay xaqiijisay in ay sii waddo dadaalkeeda ku aaddan helidda xal waara iyo in laga miro-dhaliyo Shirka Wadatashiga ah, hase yeeshee ficillada Dowladda Federaalka ayaa abuureysa xaalado amni oo halis ah iyo su’aalo ku saabsan mas’uuliyadda iyo la isku halayn karo ee Dowladda Federaalka.




