Jubaland oo Si Kulul Uga Hadashay Dhaqdhaqaaqyada Dowladda Kawado Garbahaarey

0

Garbahaarey, Soomaaliya – Dowlad goboleedka Jubaland ayaa si kulul uga falcelisay dhaqdhaqaaqyo ay dowladda federaalka Soomaaliya ka waddo magaalada Garbahaarey, kuwaasoo ay Jubaland ku tilmaantay kuwo lagu wiiqayo maamulka iyo xasiloonida deegaanka.

 

Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubaland, Maxamuud Sayid Aadan, oo warbaahinta la hadlay ayaa si cad u sheegay in dowladda dhexe ay wado qorshe ay ku dooneyso in maamulka Jubaland looga beddelo Garbahaarey, taasoo uu ku tilmaamay faragelin sharci-darro ah.

“Dowladda dhexe waxay si bareer ah ugu hawlan tahay sidii ay u dumiso maamulka Jubaland una abuurto qalalaase siyaasadeed iyo amni xumo deegaanada Jubaland ka jira, gaar ahaan gobolka Gedo,” ayuu yiri Maxamuud Sayid.

Wuxuu sidoo kale sheegay in mas’uuliyadda wixii ka dhaca deegaanada Jubaland ay si buuxda u saaran tahay dowladda federaalka, isagoo ku eedeeyay in ay diidan tahay wada-hadal iyo heshiis lagu dhammeeyo khilaafka ka taagan Garbahaarey.

Hadalka Madaxweyne ku xigeenka ayaa imaanaya xilli khilaafka u dhexeeya Jubaland iyo dowladda dhexe uu marba marka ka dambeysa sii xoogeysanayo, gaar ahaan muranka ku saabsan maamulka gobolka Gedo iyo doorashooyinkii dhawaan ka dhacay dalka.

Jubaland waxay horey uga digtay faragelinta dowladda dhexe, iyadoo sheegtay in arrimaha maamulka iyo amniga deegaanadeeda ay iyadu u madaxbannaan tahay sida ku cad dastuurka kumeel gaarka ah ee dalka.

Waxaa la filayaa in xiisaddan ay sii kacsanaato haddii aan la helin xal siyaasadeed oo waara, iyadoo shacabka ku nool Garbahaarey ay durba muujinayaan walaac ka dhashay xaaladda siyaasadeed ee cakiran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here