Jubbaland oo diiday muddo kordhinta loo sameeyay maamul goboleedyada dalka

0

KISMAAYO (SMN) – Warsaxaafadeed kasoo baxay Jubbaland ayaa waxaa looga hadlay go’aanada kasoo baxay shirka golaha wadatashiga qaranka ee lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho.

 

Jubbaland ayaa ka hortimid muddo kororsiga halka sano ee loo sameeyay madaxda maamul goboleedyada, waxayna sheegtay in iyadu ay doorashadeeda ku qabsan doonto xilligeeda.

Sidoo kale Jubbaland ayaa faah-faahisay sababaha ay uga baxday shirka golaha wadatashiga qaranka, waxayna sheegtay in la diiday soo jeedinteeda ku aadan in la raadiyo maamullada maqan, sida Puntland iyo SSC-Khaatumo.

“Jubbaland waxay xaq u leedahay iyada oo ilaalineysa in Firaaq dastuuri ah in uusan dhicin in Doorashada heerarka kala duwan ay ku dhacaan waqtigooda aysana dhicin mudo kordhin kale. Sida ku cad qodobka 80-aad ee dastuurka Jubbaland Gudiga madaxa banaan ee xuduudaha iyo doorahooyinka Jubbaland ayaa xaq u leh qabashada doorashooyinka golayaasha deegaaanka, Baariamaanka iyo Madaxtooyada” ayaa lagu yiri qoraalka.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here