KISMAAYO – Wasiirka Warfaafinta ee Dowlad Goboleedka Jubbaland, Cabdifataax Mukhtaar, ayaa si kulul u eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS), isaga oo ku tilmaamay in ay mar walba ku mashquulsan tahay “carqaladeyn iyo dagaal siyaasadeed” oo lagula beegsanayo Jubbaland.
Wasiirka ayaa si gaar ah weerar afka ah ugu qaaday Madaxweynaha Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud, oo uu ku sifeeyay “talo-diid aan awood u lahayn mideynta ummadda Soomaaliyeed”, isagoo sheegay in madaxweynuhu yahay kala-qaybiye siyaasadeed halkii laga filayay inuu noqdo mideeye qaran.
Hadalladan ayaa imaanaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Jubbaland, khilaaf muddo dheer jiitamayay oo ah mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee hortaagan dhismaha nidaamka federaalka ee dalka.
“Jubbaland si buuxda ayay u taqaannaa doorka ay ciyaarayso,” ayuu yiri Wasiir Cabdifataax, isaga oo intaas ku daray in Jubbaland aysan marnaba aqbali doonin tallaabo kasta oo lagu wiiqayo midnimadeeda iyo jiritaankeeda siyaasadeed.
Wasiirku wuxuu ku eedeeyay dowladda dhexe in ay halkii ay ka shaqeyn lahayd wada-shaqeyn iyo wax-wada-qabsi, ay dooratay in ay si joogto ah u carqaladeyso maamulka Jubbaland, taasoo uu sheegay inay dhaawaceyso geeddi-socodka dowlad dhiska iyo federaaleynta dalka.
Khilaafka u dhexeeya labada dhinac ayaa loo arkaa mid ka tarjumaya dib-u-dhaca ku yimid hanaanka dhismaha dowladnimada Soomaaliya, iyadoo arrimahan ay sidoo kale saameyn ku yeesheen doorashooyinkii dalka, dib-u-habeynta dastuurka, iyo wadajirka hay’adaha qaranka.
Ma jirto wax war ah oo degdeg ah oo kasoo baxay Dowladda Federaalka oo looga jawaabayo eedeymaha kasoo yeeray Jubbaland.




