Jubbaland oo isgaarsiintii ka jartay deegaanadii la geeyay ciidamada DF

0

KISMAAYO (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in haatan xaalad adag ay ka taagan tahay deegaanadii dhowaan la geeyay ciidamada dowladda Soomaaliya ee gobolkaasi.

 

Jubbaland ayaa lagu soo warramayaa in adeegga isgaarsiinta ay ka jartay degmada Badhaadhe, deegaanada Raaskambooni iyo Kudhaa oo kamid ah meelaha laga dareemayo dhaq-dhaqaaqa ciidan.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ujeedka Jubbaland uu yahay inay go’doomiso ciidamada ay dowladda ku daabushay halkaasi, si ay uga hortagaan maamulka uu hoggaamiyo Axmed Madoobe.

Sidoo kale wax ay Jubbalabd amaro culus dul-dhigtay diyaaradaha oo ay uga digtay inay ka dagaan aagga deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose.

Arrintan ayaa uga sii dareyso xiisadda u dhexeyso dowladda federaalka iyo Jubbaland, iyada oo dhowaan Axmed Madoobe uu 15 maalmood u qabtay ciidamada ay dowladda gaysay deegaanadiisa, haddii kalena waxa uu ku goodiyay inuu qaadayo tallaabo milatari.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here