KISMAAYO, Soomaaliya – Maamulka Jubbaland ayaa dabciyay mowqifkiisa siyaasadeed, iyadoo uu soo saarey war saxaafadeed ay ka muuqatay inuu doonayo wadahadal qaran.
“Jubaland waxay u aragtaa in xaaladda uu dalka maanta ku sugan yahay ay lagama maarmaan tahay wadatashi Qaran,” ayaa lagu yiri war saxaafeedka.
Baaqa ayaa imaanaya xili dowladda Soomaaliya dhawaan kala wareegtay Jubbaland magaalada Beled-Haawo, ee gobolka Gedo.





