KISMAAYO (SMN) – Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa maanta si rasmi ah ugu dhowaaqday in ay joojisay xiriirkii iyo wada-shaqeyntii kala dhaxeysay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Go’aan ka soo baxay Golaha Wasiirada Jubaland oo maanta ku shiray Kismaayo uuna Shir guddoominayayey Madaxweynaha Dib loo doortay Axmed Maxamed Islaa (Axmed Madoobe) ayaa Xukuumadda Federaalka ku eedeyay inay ku tumatay dastuurka dalka.
Go’aanada kasoo baxay shirkaasi Golaha Wasiradda Jubaland ayaa lagu sheegay in “Dowladda Jubaland uu waajib dastuuri ah ka saaran yahay in ay difaacdo, ilaaliso midnimada iyo wada-jirka dadka Jubaland,”
War saxaafdeedkaas ay Jubaland soo saartay ayaa lahgu sheegay in tallaabooyinka ay qaaday Dowladda Federaalka oo ay kamid yihiin wax ka beddelka dastuurka iyo xeerarka doorashooyinka ay yihiin kuwo sharci darro ah oo khatar ku ah midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.
Jubbaland ayaa sidoo kale ku dhawaaqday gogol wadatashi oo ay ugu baaqday dhammaan saamileyda siyaasadda dalka in ay kasoo qeyb galaan, sidii looga tashan lahaa aayaha dowlad-dhiska iyo midnimada dadka Soomaaliyeed.