KISMAAYO (SMN) – Maamul goboleedka Jubbaland oo uu weli dagaal kala dhexeeyo dowladda federaalka iyo abaabul ciidan oo horleh kaga dhawaaqay gobolka Gedo.
Madaxweynaha ku xigeenka ee Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan oo qoraal soo saaray ayaa magacaabay guddi ka kooban illaa 7 xubnood, kuwaas oo uu sheegay inay isku daba ridi doonaan ciidamada Jubbaland ee ku sugan Gedo, si loo xoojiyo dagaalka, loona difaaco Jubbaland.
“Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Dowladda Jubaland, Mudane H.E Mohamud Sayid Aden ayaa magacaabay Guddi ka shaqeyn doona abaabulka, diiwaangelinta, iyo isku dubaridka qeybaha kala duwan ee Ciidanka Dowladda Jubaland ee ku sugan Gobolka Gedo, si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta iyo difaaca Dowladda Jubaland.” ayaa lagu yiri qiraalka.
Halkan hoose ka akhriso:-