Jubbaland oo sheegtay inay go’doomisay ciidamadii la geeyay Raaskambooni

0

KISMAAYO (SMN) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga Jubbaland, Aadan Axmed Xaaji oo Wariyeyaasha kula hadlay magaalada Kismaayo ayaa sheegay in la go’doomiyay ciidamada ay dowladda ku daabushay aagga Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose.

 

Wasiirka ayaa sheegay in badda iyo cirka laga xiray ciidamadaasi, ayna ku jiraan xaalad adag oo go’doon ah, sida uu hadalka u dhigay.

Aadan Axmed ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in Jubbaland ay 48 saac ay u qabaneyso ciidamadaasi, haddii ay ku bixi waayaan ay ka qaadi doonaan tallaabo adag.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga Jubbaland ayaa ku eedeeyay ciidamada dowladda in khal-khal gelin amniga ay ka wadaan Raaskambooni, balse aanay aqbali doonin.

Go’aankan waxaa ka horreeyay mid kale oo horay uga soo baxay madaxweynaha dib loo doortay ee Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo muddo 15 maalmood ah u qabtay ciidamada ay dowladdu gaysay Jubbaland, welina waxba isma bedalin, iyada oo  dowladda federaalka ay ciidamo dheeraad ah kusii daabuleysa aagga Raaskambooni.

Si kastaba, dhaq-dhaqaaqyada ay wadaan labada dhinac ayaa marba marka ka dambeysa kasii daraya, waxaana laga cabsi qabaa in xiisadda ay isku rogto dagaal toos ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here