KISMAAYO (SMN) – Wasiirka amniga Jubbaland, Jenaraal Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal) oo wareysi gaar ah siiyay Shabelle ayaa ka hadlay arrimo ku aadan xiisadda siyaasadeed ee u dhexeyso dowladda federaalka iyo maamulka uu hoggaamiyo Axmed Madoobe.
Ugu horreyn Wasiir Dhuumaal ayaa u jawaabay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo dhowaan ka hadlay doorashada Jubbaland, isla markaana Axmed Madoobe ku eedeeyay inuu wado boob, si uu mar kale isugu caana shubo hoggaanka maamulka Jubbaland.
Wasiirka amniga ayaa ganafka ku dhuftay eedeynta ra’iisul wasaaraha, wuxuuna ku sheegay inuu yahay beenlow, sida uu hadalka u dhigay.
Dhinaca kale Wasiir Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal) oo hadalka sii wata ayaa ka hadlay qabashada doorashada Jubbaland, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay ku dhaqmi doonaan jadwalka soo baxay, si loo doorto madaxweynaha 25-ka bishaan.
Haddii farogelin ka imaanto dowladda dhexe, la’iskuna dayo in la qalqal-geliyo amniga Jubbaland, waxa uu tilmaamay in sida Al-Shabaab oo kale ay ula dagaalami doonaan.
Jubbaland iyo dowladda dhexe ayaa waxaa haatan ka dhexeeya khilaaf siyaasadeed oo sababay in maamulka Axmed Madoobe uu gebi ahaan xiriirka u jaro Villa Soomaaliya, kadib markii ay isku qabteen hannaanka loo wajahayo doorashooyinka dalka.