KISMAAYO (SMN) – Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Jubbaland ayaa soo saartay amar ku socdo shirkadaha diyaaradaha ee ka shaqeeya deegaanada maamulkaasi.
Warqad kasoo baxday wasaaradda ayaa waxaa lagu faray dhamaan shirkadaha bixiya adeegga duulimaadyada in ay la shaqeeyaan Maareeyeyaasha Wasaaradda u idmatay Garoomada Diyaaradaha ee deegaanada Jubbaland.
Sidoo kale shirkadaha ayaa looga digay inay la shaqeeyaan cid aan ahayd maareeyeyaasha garoomada ee ay haatan soo magacowday wasaaradda.
Halkan hoose ka akhriso:-