Jubbaland oo walaac xoogan ka muujisay amniga deegaanadeeda + Sababta

0

KISMAAYO (SMN) – Wasiirka amniga Jubbaland Generaal Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal) oo haatan socdaal ku maraya qaybo kamid ah gobolka Gedo ayaa walaac ka muujiyay xaaladda ammaan ee maamulkaasi, haddii ay ka baxaan ciidamada ATMIS ee ka howlgala Jubbaland.

 

Dhuumaal ayaa sheegay in haatan ay wadaan qorshayaal ay ugu diyaar garoobayaan beddelka ATMIS, si loo helo ciidamo ku filan amniga.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in ay u baahan yihiin taageerada shacabka iyo dowladda dhexe, si la’isaga kaashado dagaaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee deegaanada Jubbaland.

Ciidamada Kenya iyo kuwa Itoobiya ayaa si gaar ah uga howlgala gobollada Jubbooyinka iyo Gedo, kuwaas oo haatan wareejiyay saldhigyo ay ku lahaayeen gobolladaas, waxayna qayb ka tahay qorshaha bixista ciidamada howlgalka ATMIS oo la filayo in dhammaadka sanadkan 2024-ka ay isaga baxaan guud ahaan dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here