Jubbaland oo war kasoo saartay daadad ku dhuftay gobolka Gedo

0

DOOLOW (SMN) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda gargaarka & maareynta musiibooyinka Jubbaland Maxamed Cismaan Jeemis ayaa ka warbixiyay xaaladda gobolka Gedo, kadib daadad xoogan oo ku dhuftay gobolkaasi.

 

Jeemis ayaa shaaca ka qaaday in saacadihii lasoo dhaafay wabiga Jubba uu ku fatahay gudaha degmada Doolow ee gobolka Gedo, isla-markaana uu gaystay khasaare xoogan.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in wabiga uu ku fatahay xaafado kamid ah degmada iyo beero ku yaalla duleedkeeda, isla-markaana uu dhaliyay khasaare hantiyeed.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka dowlad goboleedka Jubbaland ayaa soo hadal qaaday roobab daadad watay oo ka ‘aday degmooyinka Garbahaarey iyo Ceelwaaq ee isla gobolkaasi, wuxuuna xaqiijiyay in daadadkaasi ay ku dhinteen ugu yaraan 2 qof oo ku sugnaa degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo.

Jubbaland iyo dowladda dhexe ayaa horay digniino uga soo saaray roobabkan iyo cabsi laga qabo xaaladda El-nino, ayada si gaar ah loogu baaqay inay feejignaan muujiyaan dadka deggan hareeraha wabiyada, meelaha toogaga ah iyo dhulka u dhow xeebaha, si aysan waxyeeelo uga soo gaarin daadadka laga cabsi qabo inay ku dhuftaan gudaha dalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here