Jubbaland oo war kasoo saartay dagaal beeleedka ka socda Luuq

0

KISMAAYO (SMN) – Qaar kamid ah xildhibaanada golaha wakiilada Jubbaland oo maanta warbaahinta kula hadlay magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa ka hadlay dagaal beeleedka kasoo cusboonaaday degmada Luuq ee gobolka Gedo.

 

Dagaalkan oo u dhexeeyo maleeshiyaad beeleed ku wadan halkaasi ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac, ayada oo la gubay suuqii waynaa ee degmadaasi.

Xildhibaanada farriin iyo baaq nabadeed u diray dhinacyada dagaalamaya, waxayna ka dalbadeen inay dagaalka joojiyaan oo wax kasta ay  ku dhameeyaan miisak wadahadalka.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana gurmadyo iyo ciidamo dheeraad ah helaya dhinacyada ku dagaalamaya degmada Luuqa ee gobolka Gedo.

Gobollo badan oo dalka kamid ah waxaa haatan kasoo cusboonaaday dagaal beeleedyo, kuwaas oo qarxay xilli dowladda Soomaaliya ay dagaal adag kula jirto Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here