Jubbaland oo xukun dil toogasho ah ku fulisay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab

0

KISMAAYO (SMN) – Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Jubbaland ayaa saaka dil toogasho ah ku fulisay shan nin oo ka tirsanaa  kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo horay magaalada Kismaayo uga gaystay dilal kala duwan xili ay qeyb ka ahaayeen amniyaatka Al-Shabaab.

 

Shanta nin ee la tooktay ayaa kala aha Maxamed Cabdullaahi Abuukar Deerow, Cismaan Maxamed Mursal oo horay u dilay AUN marxuum Sheekh Cumar Maxamed Daahir, halka Gacan ku dhiigle Maxamed Ibraahim Cali iyo gacan ku dhiigle Ilyaas Maxamed Xasan ay iyaguna si wadajir ah u fuliyeen dilkii ANU Marxuum Sheekh Cabdullaahi Dalab iyo Ugaas Aadan Maxamed Geeddi oo horay Maxkamadda Ciidamada Jubbaland ay dil toogasho ah ugu xukuntay, kaas oo magaalada Kismaayo iyo agagaarkeeda ka gaystay qaraxyo iyo dilal qorsheysan.

Xeer Ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada Jubbaland G/dhexe Ismaaciil Cabdi Cali oo warbaahinta faah-faahin ka siiyay xukunka dilka ah ee lagu fuliyay gacan ku dhiiglayaasha saaka la tooktay ayaa sheegay in cid kasta oo macna darro ku disha qof kale caddaaladda la hor geyn doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here