Raaskambooni, Jubbaland – Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Dowladda Goboleedka Jubbaland (JISA), Maxamed Axmed Sabriye (Bassaam), ayaa si rasmi ah ugu soo xiray deegaanka Raaskambooni ee degmada Badhaadhe, tababar ciidan oo loo qabtay Guutada Hanqadh ee Nabadsugidda iyo Sirdoonka Jubbaland.
Tababarkan ayaa lagu diiradda saaray sare u qaadidda tayada, xirfadda iyo awoodda hawlgal ee ciidamada Jubbaland si ay uga jawaabaan caqabadaha amni ee ka jira maamulka.
Cutubyada tababarka qaatay ayaa si gaar ah loogu carbiyay la dagaallanka kooxda Al-Shabaab, iyaga oo lagu tababaray farsamooyin casri ah oo lagu xaqiijinayo amniga, laguna xoojinayo awoodda dib-u-soo celinta Degmada Badhaadhe iyo sugidda ammaanka deegaannada hoos yimaada.
Hay’adda JISA waxay sheegtay in tababaradan joogtada ah ay muujinayaan sida ay Dowladda Goboleedka Jubbaland uga go’antahay sugidda nabadda, ciribtirka Al-Shabaab, iyo dhismaha hay’ado amni oo leh tayo uleh ka hortaga falal amni darro.
Saraakiisha amniga ayaa tilmaamay in tababarkani uu saldhig u noqon doono dagaallda ay kula kooxda Al-Shabaab islamarkaana lagu xoojinayo Aminiga deegnada maamulka jubbuland.





