Kadib wadahadal, Mucaaradka oo shaaciyay in dib loo dhigay bannaanbaxii Muqdisho

0

Muqdisho – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo ka mid ah hogaamiyeyaasha mucaaradka Soomaaliyeed, ayaa maanta sheegay in dib loo dhigay bannaanbax ballaaran oo lagu waday inuu maanta ka dhaco magaalada Muqdisho, kaasi oo ay soo qabanqaabiyeen Golaha Samatabixinta Soomaaliyeed.

 

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in go’aankan uu yimid kaddib kulammo muhiim ah oo dhexmaray Golaha Samatabixinta, mas’uuliyiinta amniga ee dowladda, iyo guddigii dhex-dhexaadinta ee loo xilsaaray xiriirka mucaaradka iyo dowladda.

Waxaa lagu heshiiyay in bannaanbaxa dib loo dhigo muddo 10 maalmood ah, si loo helo waqti ku filan oo lagu diyaariyo amniga iyo habsami u socodka abaabulka.

“Dib u dhaca waxaa keenay xaalado amni oo ka dhashay weerarkii dhawaan ka dhacay saldhigga Godka Jilacow,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Wuxuu intaas ku daray in la dhisayo guddi farsamo oo labada dhinac ka kooban, kuwaasoo ka shaqeyn doona in bannaanbaxa u dhaco si nabad ah oo la isku waafaqsan yahay.

Cabdiraxmaan ayaa sidoo kale hoosta ka xarriiqay in dowladda laga sugayo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta, isagoo yiri: “Waxaan isla qaadanay in la dhiso hannaan amni iyo isfahan ku saleysan si shacabka u banaanbaxaya aysan u la kulmin wax dhibaato ah.”

Bannaanbaxa la hakiyay ayaa markii hore loogu talagalay in lagu muujiyo sida mucaaradku uga soo horjeedo barakicinta dadka shacabka ah ee deganaa dhulal dowladdu sheegtay inay leedahay, kuwaasoo ku yaalla magaalada Muqdisho.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here