MUQDISHO [SMN] – Maanta waxaa si rasmi ah u furmaya kalafadhiga 6-aad ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, kadib muddo fasax ah oo ay ku maqnaayeen Mudanayaasha Baarlamanka.
Furitaanka kalafadhigan ayaa waxaa lagu wadaa in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya uu ka qeyb galo, waxaana uu khudbad ka jeedin doonaa xildhibaanada.
Madaxweynaha ayaa warbixin guud ka siindoona xildhibaanada xaaladda guud ee dalka, horumarka laga sameeyay gudaha iyo dibadda, iyo sidoo kale qorshayaasha ku aaddan arrimaha muhiimka ah ee dalka.
Waxaa kaloo uu ka hadli doonaa arrimaha muhiimka ah ee mudnaanta u leh mudada sanadka iyo bilooyinka harsan ee xilligiisa, gaar ahaan diyaar garowga doorashooyinka soo socda.
Saacadihii la soo dhaafay, Madaxweynaha ayaa la kulmay mudanayaal badan oo ka tirsan Baarlamanka, si uu uga wada hadlo mooshin laga yaabo in la horgeeyo Baarlamanka, kaas oo ka dhan ah Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre.
Intii ay Mudanayaasha ku jireen fasaxa, ayaa si aad ah u xoogeysay hadal haynta mooshin ka dhan ah Ra’iisul Wasaaraha, kaas oo la sheegay in ay diyaariyeen mudanayaal ka tirsan Baarlamanka, iyagoo doonaya in xilka laga tuuro Xamse.
Sidoo kale, sanadkan waxaa la filayaa inuu noqdo mid ka mid ah sanadaha ugu mashquulka badan ee Baarlamanka, iyadoo mid kasta oo ka mid ah xildhibaanadu uu soo bandhigi doono ajandayaashiisa iyo arrimaha uu ka dhex arkay baarlamanka, kadib muddo sanado ah oo uu baarlamanku hal dhinac u jiheysnaa.
Xildhibaan walba waxa uu tixgelin doonaa sidii uu u soo laaban lahaa si uu uga faa’iidaysto fursadaha iyo danta u gaar ah.
Waxaa sidoo kale suuragal ah in madaxda dowlad-goboleedyada ay saameyntooda ku muujiyaan Baarlamanka, iyadoo muddo sanado ah aan la haysan heshiis rasmi ah oo ku saabsan doorashooyinka.
Soomaaliya waxay wajihi doontaa doorashooyin, inkastoo heshiis rasmi ah aan weli laga gaarin, waxaana saameyn ku yeelanaya siyaasadda Soomaalida iyo madaxda dowlad-goboleedyada qaarkood.