Dowladaha Mareykanka iyo Kenya oo lagu eedeeyay fashilinta amniga Soomaaliya

0

MUQDISHO (SMN) – Dowladaha Mareykanka iyo Kenya ayaa lagu eedeeyay in ay doonayaan fashilinta ammaanka Soomaaliya, xilli haatan dowladdu ay qorsheyneyso ka adkaanshaha Al-Shabaab.

 

Hadalkii dhawaan kasoo baxay madaxweyne Wiliam Ruto ee ku aadanaa, haddii ATMIS ay ka baxdo Soomaaliya in Al-Shabaab ay qabsan doonaan dalka iyo caga jiidka Mareykanka ayaa muujinayo halka ay gaarsiisan tahay hagardaamada lagu hayo dowladda federaalka.

Col Cabdi Aadan Barre oo ah sarkaal hore oo ka tirsabaa milatariga, balse haatan ah khabiir amni ayaa sheegay in dowladda federaalka looga baahan yahay in ay iska ilaaliso khataraha amni oo ay ka damacsanyihiin Mareykanka iyo Kenya.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in Soomaaliya ay leedahay dowlad ku filan ammaanka guud ee dalka, loona baahanyahay in dhaqaalaha faraha badan ee ku boxo ATMIS loo weeciyo dhanka ciidamada Xoogga dalka.

Soonaaliya ayaa ah wadan colaado ay ragaadiyeen, kana soo kabsanaayo marxaladihii burburka, waxaa jira su’aalo badan oo ku geedaaman hannaanka geeddi socodka dowladnimada oo ay hareeyeen khilaafaadyo heer federaal iyo heer dowlad goboleed.

Si kastaba, waxaa la filayaa in dhamaadka sanadkan ciidamada ATMIS ay ka baxaan guud ahaan dalka, amniga wadankana ay la wareegaan ciidamada dowladda, xilli weli Al-Shabaab ay maamulayaan dhul ballaran oo kamid ah Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here