Kenya oo diiday inay furto xadka ay la wadaagto Soomaaliya + Sababta

0

NAIROBI (SMN) – Ku biirista Soomaaliya ee Ururka Bulshada Bariga Afrika sanadkii tagey ayaa aad looga soo dhaweeyay dalalka gobolka geeska afrika, iyadoo Kenya ka caga-jiidayso furista xuduudaheeda, taasoo cabaqad ku noqonaysa is-dhexgalka shacabka wadamada xubnaha ka ah ururka dhaqaalaha.

 

Soomaaliya ayaa si rasmi ah loogu ogolaaday in ay xubin ka noqoto Bulshada bariga Afrika 24-kii Nofembar, kadib markii uu dhammaaday Shir-madaxeedka ka dhacay magaalada Caruusha, ee dalka Tanzania kaasoo uu ka qeybgalay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Uganda ku saxiixday heshiis ka mid noqoshada ururka, bishii December 15-keedii.

Tani waxay ka dhigan tahay in ay haysato ilaa Juun si ay u buuxiso shuruudaha harsan.

Horumarkii ugu dambeeyay ayaa hadda ka dhigan in Soomaaliya ay ku sii dhowaaneyso inay si buuxda u noqoto xubinta sideedaad ee EAC, iyadoo ku biiraysa Tanzania, DR Congo, Burundi, South Sudan, Uganda, Rwanda iyo Kenya.

Sida laga soo xigtay xoghaynta EAC, ku biirista bulshada waxay u sahlaysaa Soomaaliya inay ka faa’iidaysato mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha ee gobollada sida waddooyinka, jidadka tareenada, iyo shabakadaha tamarta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here