NAIROBI – Dowladda Kenya ayaa ugu baaqday Cyprus in ay mudnaanta koowaad siiso la-dagaallanka Al-Shabaab marka ay la wareegto madaxtinimada Golaha Midowga Yurub ee sannadka 2026.
Madaxweyne ku xigeenka koowaad ahna wasiirka arrimaha dibadda iyo qurbojoogta Kenya, Musalia Mudavadi, ayaa baaqan jeediyay xilli uu ka qeyb galayay shir madaxeedka Qaramada Midoobay ee magaalada New York.
Mudavadi ayaa sheegay in dareenka beesha caalamka uu hoos u dhacayo, taasoo halis ku ah guulihii laga gaaray amniga gobolka, gaar ahaan Soomaaliya.
“Waxaa isa soo taraya daal siyaasadeed oo caalami ah oo ka dhashay dagaallo kale iyo isbeddelka danaha beesha caalamka. Taageeradii Soomaaliya hore loo siin jiray si weyn ayay hoos ugu dhacday, iyadoo dalal sida Kenya ahna ay culayska qaadeen,” ayuu yiri Mudavadi.
Kenya ayaa hadda leh ku dhawaad 3,000 oo askari oo qeyb ka ah Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya. Mudavadi ayaa ka digay in haddii Kenya ay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya, ay abuurmi karto farqi amniyeed oo aysan dalalka kale diyaar u ahayn inay buuxiyaan.
Sidoo kale, Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa wajahaya xaalad dhaqaale xumo oo halis ah, iyadoo miisaaniyadda sanadlaha ah lagu qiyaasay $166.5 milyan, halka kaliya $16.7 milyan la ballan qaaday.
Qaraarka Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2719, oo loogu talagalay in lagu meeleeyo taageero miisaaniyadeed oo ka timaada QM, weli lama dhammeystirin, taasoo sababay khaaraj miisaaniyadeed oo weyn.
Cyprus ayaa la filayaa in ay qabato Madaxtinimada Golaha Midowga Yurub qeybta hore ee 2026, taasoo noqon doonta markii labaad tan iyo 2012.
Kenya waxay rajeynaysaa in Cyprus ay arrimaha amniga gobolka, gaar ahaan la-dagaallanka Al-Shabaab, hormuud ka noqoto inta ay xilka hayso.



