NAIROBI – Taliyaha Ciidanka Difaaca Kenya, Jeneraal Charles Kahariri, ayaa sheegay in go’aanka lagu dhimayo ciidamada ka tirsan Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) uusan ahayn mid sax ah, isagoo xusay in tallaabadaasi ay dhaawacday guulihii laga gaaray dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Jeneraal Kahariri ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu la yeeshay taliyaha guud ee taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), Jeneraal Michael Langley. Wuxuu sheegay in meesha ay ka baxeen ciidamada AUSSOM ay abuurtay farqi amni oo Al-Shabaab fursad u siisay inay dib usoo xoogeystaan.
“Dalalka qaar oo ay Kenya ka mid tahay waxay la galeen Soomaaliya heshiisyo kumeelgaar ah si loo buuxiyo farqiga, balse tani ma aha xal waara la’aanta taageero caalami ah,” ayuu yiri.
Jeneraal Kahariri wuxuu ugu baaqay beesha caalamka in ay cusbooneysiiso taageerada ay siiso geeddi-socodka nabadda Soomaaliya, isagoo ka digay in haddii aan la helin garab joogto ah, ay burburin karto horumarka dhanka nabadda iyo xasilloonida siyaasadeed ee la gaaray sanadihii la soo dhaafay.
AUSSOM oo bedeshay ATMIS, ayaa tirada ciidamadeeda laga dhigay 11,000 iyadoo markii hore ahayd 22,000, taasi oo qeyb ka ahayd qorshaha kala guurka Soomaaliya (STP).
Jeneraal Langley ayaa bogaadiyay doorka Kenya ee nabad ilaalinta Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay ciidamada Kenya kuwo door weyn ka ciyaaray sugidda amniga gobolka.
Wuxuu sheegay in wada shaqeynta Mareykanka iyo Soomaaliya ay muhiim u tahay la-dagaallanka Al-Shabaab iyo kooxda Daacish.
Gen. Langley ayaa xilka u wareejiyay Gen. Anderson, kaas oo hoggaamin doona AFRICOM, iyadoo howshiisa ugu horreysa ay tahay xasilinta Soomaaliya.




