Kenya oo saldhigyo milatari ka dhisaysa xadka ay la wadaagto Soomaaliya

0
Defence CS when he appeared before a parliamentary committee on May 18, 2023 in Nairobi. He revealed the construction of the military FOBs

Nairobi (SMN) – Wasiirka difaaca Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa sheegay in 14 saldhig oo militeri ay Ciidanka dalkaasi uga dhisayaan xadka Soomaaliya si amniga loo ilaaliyo xili dalalka Geeska Africa ay qorsheynayaan inay ka qeybgalaan wajiga 2aad ee howlgalkan ka dhanka ah Al-Shabaab.

 

Tallaabadan waxay imaanaysaa iyadoo la la filayo in bisha June ee soo socota 2,000 oo askari laga dhimo Ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS, taasoo qeyb ka ah ka bixitaankooda Soomaaliya.

“Waxaa naga go’an inaan sugno amniga xadka, kana hortagno in dagaalyahanada Al-Shabaab gudaha Kenya soo galaan marka howlgalka wadajir ah bilowdo,” ayuu yiri Aadan Ducaale.

“Ciidamadeenu waxay si muuqata u joogaan xuduudka si ay u xaqiijiyaan badqabka iyo amniga muwaadiniinteena,” ayuu hadalkisia raaciyay wasiirka gaashaandhigga Kenya.

Saldhigyada cusub ee Kenya xadka ka dhisayso ayaa la sheegay in loogu tala galay askarteeda laga soo saarayo gudaha Soomaaliya, kuwaasoo qeyb ka ah howlgalka ATMIS ee la filayo in laso afjaro Dec 2024.

Gobolka waqooyiga Bari ee Kenya ayaa waxaa ka dhacay weeraro isdaba joog ah tan iyo markii Ciidanka Kenya ay soo galeen gudaha Soomaaliya sanadkii 2011 si ay ula dagaalamaan Al-Shabaab, iyagoo fulinayo Howlgalkii Linda Nija.

Al-Shabaab ayaa weeraro ku qaaday deegaano ka tirsan gobolka gaar ahaan kuwa hoostaga Mandera iyo Gaarisa kadib markii ay jabiyeen difaaca amaanka, taasi oo sababtay dhimashada iyo dhaawaca dad badan oo isugu jira shacab iyo askar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here