Kenya oo sheegtay in Ciidanka NISA weerar ka fuliyeen magaaladda Mandheere

0

NAIROBI, Kenya [SMN] – Sida ay tebiyeen warbaahinada kala duwan ee dalka Kenya Dowladda Kenya ayaa shaaca ka qaaday in Sirdoonka Soomaaliye ay dileen Askari katirsan ciidankeeda , isla markaasna dhaawaceen mid kale, ayna ka gurteem Hubkii ay qateen.

 

Dhacdadan ayaa timid kadib iska hor imaad Xadka Labada dal uu ku dhexmaray Labada dhinac kaasi oo socday mudo daqiiqada ah.

Askariga la dilay ayaa lagu magacaabaa Constable Dennis Omari Halka midka dhaawacmay magaciisa lagu sheegay Wright Mokua.

Ciidamada Nisa ayaa waxaa gacanta u gakay Laba qoray oo ay wateen Labadaasi Askari intii israsaaseentu socotay Sida ay sheegtay Dowladda Kenya.

Dowladda Soomaaliya wali war kama soo saarin eedan kaga timid dalka Kenya oo ku aadan in xubno kamid ah Sirdoonkeeda ay dileen Askari katirsan dalka Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here