Kenya oo sheegtay in sii wadayso xiriirka Somaliland iyo Jubaland

0

NAIROBI, Kenya – Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya ayaa soo saartay bayaan rasmi ah oo ay ku caddaynayso mowqifkeeda ku aaddan xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya.

 

Bayaanka, oo lagu xusay in Kenya ay si buuxda u taageersan tahay madaxbannaanida Soomaaliya, midnimada dhuleed, iyo midnimada qaran, waxay sheegtay in Xukuumadda Federaalka ee Muqdisho ay tahay hay’adda kaliya ee sharciga ah ee mas’uul ka ah arrimaha Soomaaliya.

Kenya waxay carrabka ku dhawaaqday inay u hoggaansantahay mabaadi’da Qaramada Midoobay, Heshiiska Midowga Afrika, iyo siyaasadda arrimaha dibadda ee Kenya, kuwaas oo xoogga saaraya in aan la faragelin arrimaha gudaha ee dalalka kale.

Waxay kaloo muujisay xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya, oo ku dhisan taariikh, dhaqan, iyo qaraabo, iyadoo labada dal ay wadaagaan himilooyin nabadeed, amni, iyo horumar waara.

Sidoo kale, Kenya waxay ballanqaaday inay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya ee dhinaca dowlad-dhisidda iyo horumarka, iyadoo xoogga saaraysa  deris-wanaagga iyo wada-shaqeynta. Waxay intaa ku dartay inay ilaalin doonto xiriirka ay la leedahay Jubaland iyo Somaliland si loo xoojiyo amniga iyo iskaashiga ganacsiga.

War-saxaafadeedka ayaa imaanaya xili maanta uu safar ku tagey Kenya Madaxweynaha maamulka Somaliland C/raxmaan Cirro. Kenya ayaa xafiis diblomaasi ku leh magaaladda Hargeysa, iyadoo Somaliland ay xafiis ay ku tilmaantay safaarad ka furatay Nairobi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here