Kenya oo sheegtay inay hoos u dhaceen weeraradii Al-Shabaab ee dalkaasi

0
Defence CS when he appeared before a parliamentary committee on May 18, 2023 in Nairobi. He revealed the construction of the military FOBs

NAIROBI (SMN) – Wasiirka difaaca dalka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa ka hadlay ammaanka dalkaasi, gaar ahaan ahaan weerarada Al-Shabaab ee gobolka Waqooyi Bari.

 

Aadan Barre ayaa sheegay in ay hoos u dhaceen weeraradii ka dhici jiray gobolkaas oo xuduud laleh Soomaaliya, isla markaana ay ku timid wada shaqeynta shacabka iyo ciidamada ammaanka.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay dadka deegaanka inay xoojiyaan nabad-gelyadooda iyo wada shaqeynta ay haatan la leeyihiin booliska dalka Kenya.

Kenya ayaa dhowaan adkeysay amniga dalkeeda, si ay uga hortegto weerarada Al-Shabaab, waxayna ciidamo dheeraad ah soo dhoobtay deegaanada u dhow xadka Soomaaliya

Si kastaba, Kenya ayaa qayb ka ah dalalka ka qayb-qaata dagaalka adag ee lagula jira Al-Shabaab, waxayna ciidamadeeda si gaar ah uga howlgalaan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here