Kenya: Qarax lala beegsaday gaari booliis oo ka dhacay Garissa

0

GARISSA – Ugu yaraan sideed (8) askari oo ka tirsan booliiska ayaa ku dhaawacmay qarax lagula eegtay gaari ay wateen meel u dhow deegaanka Banane-Yumbis ee magaaladda Garissa, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha booliiska.

 

Qaraxa ayaa dhacay galabnimadii Talaadada, August 5, xilli ay ciidamada wateen gaari nooca miinada u adkeysta ah (MRAP), kuwaas oo ka tirsan qeybta ilaalinta xuduudaha (Border Patrol Unit). Gaarka ayaa dul maray miino nooca gacanta lagu sameeyo ah (IED), taasi oo keentay burbur xooggan iyo dhaawacyo.

Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in ciidamada lagu weeraray qarax kadibna lagu soo qaadey dagaal toos ah oo ay ku lug lahaayeen dagaalyahanno la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

Ciidamo kale oo katirsan kuwa xuduuda Kenya ilaaliya, ayaa gaaray goobta si ay u badbaadiyaan askartii ku dhaawacantay gaariga gubtay.

Dhaawacyada qaar ayaa la sheegay inay yihiin kuwo culus, iyadoo saraakiishu ay sheegeen in bukaannada la gaarsiiyay isbitaal maxalli ah kahor inta aan loo qaadin magaalada Nairobi si halkaas loogu sii daweeyo.

Kooxdii weerarka geysatay ayaa ka baxsatay goobta, balse booliisku waxay sheegeen in xubnaha Al-Shabaab ay wali ku dhuumaaleysanayaan deegaanada ku dhaw Garissa.

Howlgallo amni oo ballaaran ayay booliiska Kenya ka wadaan xadka. Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in weerarada Al-Shabaab ee gobolka waqooyi bari ay aad hoos ugu dhaceen bilooyinkii dambe, taasoo dadka deegaan ay aad usoo dhaweeyeen.

Afhayeenka Ciidanka Booliiska Qaranka, Michael Muchiri, ayaa sheegay in dadaallo dheeri ah lagu bixinayo sidii looga hortegi lahaa weerarada Al-Shabaab, oo saameyn ku yeesheen horumarka gobolka.

Soomaaliya ayaa muddo dheer ka jireen colaado iyo dowlad la’aan ayaa fursad siisay Al-Shabaab inay si sahlan uga tallaabaan xuduudda ayna weeraro ka geystaan gudaha Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here