GAROOWE (SMN) – Khadar Cabdiraxmaan Faroole oo haatan ah ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha ganacsiga ayaa ka hadlay is hortaag ay shalay Puntland ku sameysay, xilli uu kasoo duulayay garoonka diyaaradaha Garoowe ee General Maxamed Abshir.
Ergeyga ayaa shaaca ka qaaday in laamaha amniga garoonka ay joojiyeen, kadibna ay ka reebeen diyaarad uu raaci lahaa oo ku soo jeeday magaalada Muqdisho.
Khadar oo uu dhalay madaxweynihii hore ee Puntland, Cabdiraxmaan Faroole ayaa amarka lagu celiyay ku eedeeyay Deni oo ay si gaar ah isugu hayaan arrimaha doorashooyinka.
Sidoo kale Khadar ayaa ka mid ahaa afar siyaasi oo uu dhowaan waaran soo qabasho ah u jaray xeer ilaaliyaha guud ee Puntland, ayada oo lagu soo eedeeyay inay ka dambeeyeen dagaal dhowaan ka dhacay magaalada Garoowe oo sababay dhimasho iyo dhaawac.
Tallaabadan ayaa uga sii dari karta xiisadda Saciid Deni kala dhexeysa mucaarada weli ku sugan Garoowe, maadaama ay ciidamo ku heystaan duleedka magaaladaasi.
Si kastaba, doorashada golaha deegaanka Garoowe iyo saddex degmo oo kale ayaa dib loo dhigay, sababo la xiriira xiisadda weli ka taagan gobolka Nugaal ee maamulka Puntland.