Khaliif oo war kasoo saaray xaaladda maxaabiista ay ka qabteen Somaliland

0

LAASCAANOOD (SMN) – Guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiilada Somaliland, Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo haatan ku sugan Laascaanood ayaa ka hadlay xaaladda magaaladaasi, gaar ahaan nolosha maxaabiistii ay dhowaan gacanta kusoo dhigeen ciidanka SSC-Khaatumo.

 

Khaliif ayaa shaaca ka qaaday in ay wanaagsan tahay xaaladda maxaabiista, isla-markaana si wanaagsan loola dhaqmay.

Waxa uu sheegay inay yihiin dad ehel ah, Soomaali ah, hadana Islaam ah, sidaa daraadeedna ay mudan yihiin in la ixtiraamo.

Sidoo kale waxa uu ammaan iyo boggaadin u jeediyay dhalinyarada deegaanka ee soo qabtay maxaabiista iyo kuwa haatan xabsiyada ku haya, maadaama ay soo dhaweeyaan, kadibna si wanaagsana ay ula macaamileen.

Xaaladda magaalada Laascaanood ayaa haatan ah mid deggan, inkastoo ay is horfadhiyaan ciidamada SSC iyo kuwa Somaliland ee muddada dheer ku dagaalamaya aagga magaaladaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here