Khasaaraha dhimashada dagaal beeleedka ka dhacay Galgaduud oo kordhay

0

XERAALE (SMN) – Khasaaraha dhimashada iyo midka dhaawaca ah ee ka dhashay dagaal beeleedkii shalay ka dhacay waqooyiga gobolka Galgaduud ayaa sii kordhay, sida ay shaaciyeen saraakiisha laamaha amniga.

 

Taliye ku xigeenka ciidanka booliska, qaybta Galgaduud, Gaashaanle Dhexe Cabdicasiis Ibraahim Aadan oo wareysi siiyay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in dagaalkan ay ku dhinteen ku dhawaad 50 qof, ayna ku dhaawacmeen 90 kale.

”Beelaha dagaalamay waxay iska dileen ku dhawaad 50 ruux, dhaawacana ma yara 80 illaa 90 ayaan ku qiyaasnay” ayuu wareysi ku yiri taliye ku xigeenku.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in haatan xaaladda ay dagan tahay, isla markaana ay kala dhex-galeen maleeshiyaadka ku dagaalamay aagga magaalada Caabudwaaq.

Gobollada dhexe ee dalka ayaa waxaa marar badan kusoo laa laabtay dagaal beeleedyada, kuwaas oo saameynta ugu badan ku yeesha dadka deegaanka ee ku nool gobolladaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here