Waxaa kordhay khasaaraha dhimasho ee ka dhashay dagaal dhowaan Kooxda Al Shabaab ay ku qaadday Degmada Aadan Yabaal ee Goboka Sh.Dhexe oo qiyaas 245km dhanka waqooyi uga beegan Magaalada Muqdisho.
Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Duqa Muqdisho, Ibraahim Mahad-Alle ayaa wuxuu sheegay in 200 ka tirsanaa askarta Ciidanka Xoogga Dalka lagu dilay dagaalkii ka dhacay Degmada Aadan Yabaal.
Wuxuu sheegay in saraakiishii halkaasi ku dhintay uu ahaa mid ahaa taliye Cismaaciil Tuuryare, kaasi oo hoggaaminayay ku dhawaad 800 oo askari.
Mahad-Alle ayaa tilmaamay in qorshaha uu markii hore ahaa Taliyaha iyo ciidankiisa in ay hantaan gacan ku heynta Degmooyinka Ceel-buur iyo Galhareeri ee Gobolka Galgaduud.
“Taliyaha iyo Ciidankiisa waxey ku sugnaayeen Degmada Aadan Yabaal maadaama halkaasi ay xoog soo saareen Kooxda Al Shabaab. Ugu dambeyn, iyagaa xabad ku ridaya cadowga ayay dhinteen”, sidaasi waxaa yiri Mahad-Alla.
Weli Dowladda Federaalka Soomaaliya kama hadlin dagaalkii ka dhacay Degmada Aadan Yabaal, iyadoo xusid mudan in Degmada aheyd mid ka mid ah xarumaha Ciidan ee ugu weyn ee Gobolka Sh.Dhexe.




