Khasaaraha ka dhashay dagaalkii ka dhacay deegaanka Af-Urur oo kordhay

0

BOOSAASO (SMN) – Ugu yaraan 5 askari ou uu ku jiro sarkaal ka tirsanaa ciidamada Puntland ayaa ku dhintay, tiro kalena waa ku dhaawacmeen dagaalka saaka ka dhacay buuraleyda  Af-urur ee Gobolka Bari.

Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa aroortii hore ee saaka weerar hoobiyaal ku bilowday ku qaaday saldhigga ciidamada Puntland ee deegaankaaas, waxaana xigay dagaal toos ah.

Dhankooda saraakiisha ciidamada Puntland ee hoggaaminaya howlgalka ayaa sheegay inay dileen illaa 12 xubnood oo ka tirsanaa Xarakada Al-Shabaab.

Xaaladda ayaa weli aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo haatan laga dareemayaa dhulka buuraha ee gobolka Bari.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here