Khasaaraha ka dhashay dagaalkii Puntland iyo Daacish oo sii kordhay

0

BOOSAASO (SMN) – Waxaa weli isa soo taraya khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo Talaadadii shalay ciidamada Puntland iyo dagaalyahanada kooxda Daacish ku dhex-maray qaybo kamid ah gobolka Bari.

 

Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa yimid ka gadaal markii Kooxda Daacish ay weerar culus ku eekeysay deegaanka Dharjaale ee gobolka Bari, halkaasi oo ay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan kuwa Puntland oo loo diyaariyay inay Daacish ka saaraan dhulkaasi, waxaana weerarka uu ku bilowday is-miidaamin, iyada oo kadib uu xigay dagaal foolka fool ah.

Wararka maanta la helayo ayaa sheegaya in khasaaraha uu sii kordhay, isla markaana dhimashada askarta Puntlnad ay gaaray illaa 18 askari, halka dhaawacana uu sii caga cageynayo illaa 25 kale, kuwaas oo qaarkood ay qabaan dhaawacyo halis ah.

Sidoo kale waxaa Daacish dhankeeda laga dilay illaa 8 xubnood oo ay ku jiraan Ajaaaniib, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka ee Puntland.

Xaaladda ayaa maanta deggan, waxaana dhaawacyada lagula tacaalayaa magaalada Boosaaso, halkaas oo uu ku booqday madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here