JIGJIGA (SMN) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo shalay ka dhacay deegaanka Dacawaley oo ka tirsan dowlad deegaanka, halkaasi oo lagu dilay ciidamo kuwa deegaanka ah.
Dagaalka ayaa dhex-maray maleeshiyaad deegaanka ah oo kasoo jeeda dhanka Somaliland iyo booliska dowlad deegaanka, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare aad u xoogan.
Ugu yaraan 5 askari oo ka tirsanaa Booliska dowlad deegaanka ayaa lasoo wariyay inay dileen maleeshiyaadka, waxaana hadda xaalad kacsanaan ah laga dareemayaa deegaanka.
Wasiirka amniga gudaha Somaliland oo shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa ayaa dhankiisa sheegay in xiriir la sameeyeen is-maamulka Soomaalida, ayna kala hadleen qaboojinta xiisadda kasoo cusboonaatay deegaanka Dacawaley oo ka tirsan gobolka Faafan.
Ugu dambeyn wasiirka ayaa ugu baaqay bulshada deegaanka inay ka war sugaan maamulka, ayna ka shaqeeyaan nabadda iyo xasilloonida.