MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka falceliyay khudbadii uu shalay jeediyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay cabashada dhalinyarada dalka ee shaqo la’aanta.
Khayre ayaa tilmaamay in jawaabta uu bixiyay madaxweynaha uu ugu gefay dhalinyarada Soomaaliyeed, wuxuna ugu baaqay inuu raalligelin ka bixiyo arrintaasi.
Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidatan:-
Dhallinyaradu waa kuwii shacabka Soomaaliyeed ka korqaaday heeryadii gumeysiga ee dalka u horseeday xurriyadda iyo midnimada, lafdhabarna u ahaa hayaanka dowladnimada, waligoodna u taagnaa dhismaha iyo horumarka dalka, maantana ku sugan furimaha dagaalka si ay u ciribtiraan khawaarijta.
Dhallinyaradu marti kama aha Soomaaliya ee waa milkiilayaasha dalka iyo madaxda mustaqbalka dhow. Halkii ay dowladdu rajo iyo shaqo-abuur u sameyn laheyd markii ay cabireen duruuftooda iyo shaqo la’aanta haysa, waxaa nasiibdarro ah in Madaxweynaha Dalku ku tilmaamay in ay yihiin dad baadda u aruuriya argagaxisada, shaxaad iyo borobogaandana lacago ku heli jiray.
Waxaan Madaxweynaha ugu baaqayaa in uu dhallinyarada ka raalligeliyo gefka iyo ijaafada uu kula kacay, si masuuliyad iyo xilkasnimo lehna u dhegeysto codka dhallinyarada, kana jawaabo dayaca iyo duruufaha xanuunka badan ee ay ka cabanayaan.