Khilaaf xoogan oo soo kala dhex-galay wasiirka difaaca iyo taliyaha Xoogga

0

Muqdisho (SMN) – Iyadoo uu socdo qorshaha lagu bilaabayo wajiga labaad dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab ayaa waxaa soo baxaya khilaaf soo kala dhex galay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka, Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxyadiin Caddoow, iyo Wasiirka Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

 

Khilaafka u dhaxeeya labada mas’uul ayaa sida la sheegay soo ifbaxay kadib markii Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka uu ka mamnuucay Wasiirka Gaashaandhigga in uu booqasho ka tego xeryaha Ciidanka Xoogga Dalka.

Wararka ayaa sheegaya in Taliye Ibraahim sidoo kale ka horyimid qorshe uu Wasiirka ku doonayay in lagu soo magacaabo Taliyaha cusub ee Saadka.

Khilaafka ka dhex oogan labada mas’uul ayaa la aaminsan yahay in uu caqabad noqon karo howlgallada la qorsheynayo in Ururka Al Shabaab looga saaro degaannada ay weli uga sugan yihiin koonfurta iyo bartamaha dalka.

Qaar ka mid ah Shacabka Muqdisho, oo cabirayay aragtidooda ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay culeyska ay yeelan karto khilaafka u dhaxeeya Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Wasiirka Gaashaandhigga, maadaama labada mas’uul ay laf dhabar u yihiin dagaalka lagula jiro Al Shabaab.

Maxamed Cali oo ka qeyb galayay Barnaamijka Madasha Shacabka oo baxa warbaahinta Shabelle ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay khilaafka ka dhex aloosan Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Wasiirka Gaashaandhigga xilli looga fadhiyo in ay midoobaan sidii dalka looga xorreyn lahaa Al Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale, Mustaf Baalle Gaay isna ka qeyb galay barnaamijka Madasha Shacabka ayaa sheegay in khilaafka u dhaxeeya labada mas’uul uu kala dhantaali karo Ciidanka Xooga dalka, isagoona ugu baaqay Wasaaradda Gaashaandhigga in si hoose loo xali tabashada jirta si buu yiri loo gaaro yoolka la hiigsanayo.

Si-kastaba, khilaafkan soo ifbaxay ayaa imaanaya xilli dalka uu ku jiro dagaal la doonayo in Al Shabaab looga xorreeyo Gobollada uu maamulkooda ku dambeeyo, iyadoona xusid mudan in dalka ay dhowaan ka baxeen 2 kun oo askari oo ka mid ah Ciidanka ATMIS kuwaasi oo ku sugnaa lix saldhig ku yaalla Gobollada dalka halka 3 kun oo kale la filayo in ay iyaguna baxaan bilaha soo socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here