Khilaafaadka DF iyo Dowlad-goboleedyada oo fursado cusub u abuuray Itoobiya

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaliya, Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa shaaca ka qaaday in khilaafaadka DFS iyo Dowlad-goboleedyada uu fursado cusub u abuuray Itoobiya oo haatan xiisad xoogan ay kala dhexeyso Soomaaluya.

 

Cawad ayaa sheegay in Itoobiya ay heshiisyo qarsoodi ah la gashay madaxweynayaasha maamul goboleedyada, isla markaana arrintaas ay dhabar jab ku tahay dowladda dhexe.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in arrintan ay dhaawaceyso qaranimada Soomaaliya, maadaama Itoobiya ay horay ugu xadgudubtay madax banaanida Soomaaliya, kadib heshiiskii badda ee uu Ra’iisul wasaare Abiy Axmed la galay maamulka Somaliland.

Halkan hoose ka daawo warbixinta:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here