Rustenburg – Ugu yaraan labo muwaadin oo Soomaaliyeed ayaa lagu dhaawacay kadib weerar ay burcad hubeysan ku qaadeen dukaankooda oo ku yaalla magaalada Rustenburg ee gobolka North West ee dalka Koofur Afrika, sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo maxalli ah.
Weerarka ayaa dhacay xalay fiidkii, xilli labada muwaadin Soomaaliyeed ay ka shaqeynayeen dukaankooda ganacsi, waxaana burcadda hubeysan ay ku fureen rasaas, taas oo keentay dhaawac culus oo gaaray mid kamid ah muwaadiniinta, iyadoo rasaas badan ay ku dhacday.
Labada dhaawac ah ayaa la geeyay isbitaalka JST Hospital ee isla magaalada Rustenburg, sida uu u xaqiijiyay warbaahinta Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Gobolka North West, Mostapha Shirwac.
Ciidamo ka tirsan booliska Koofur Afrika ayaa gaaray goobta falka ka dhacay, waxaana ay bilaabeen baaritaan rasmi ah oo ku saabsan weerarka burcadnimo ee lagu beegsaday dukaanka ganacsiga ee ay Soomaalidu leeyihiin.
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi ayaa marar badan ka deyrisay amni darrada iyo weerarada joogtada ah ee lagu hayo ganacsatada Soomaaliyeed, iyagoo ugu baaqay dowladda Koofur Afrika in ay qaadayso tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu sugo amniga.




