Koonfur Afrika oo Ballanqaaday Inaysan Faragelin Barnaamijka Qaxootiga Mareykanka ee Lagu Qaabilayo Caddaan Koonfur Afrikaan ah

0

Johannesburg / Washington — Dowladda Koonfur Afrika ayaa ogolaatay inaysan faragelin barnaamij muran badan dhaliyay oo Mareykanku ku qaabilayo qaxooti caddaan ah oo Koonfur Afrikaan ah, sida lagu sheegay warbixin kooban oo laga diyaariyay kulan gudaha ah oo ay heshay wakaaladda wararka Reuters.

 

Ballanqaadkan ayaa lagu bixiyay kulan albaabadu u xirnaayeen oo dhacay 23-kii December, kaddib markii ay cirka isku sii shareereen xiisadaha diblomaasiyadeed ee u dhexeeya labada dal. Xiisadda ayaa ka dhalatay markii mas’uuliyiinta Koonfur Afrika ay weerar ku qaadeen xarun Mareykanku ku maamulayay diiwaangelinta qaxootiga oo ku taalla Johannesburg, halkaas oo si kooban loo xiray saraakiil Mareykan ah, isla markaana la xiray qandaraasleyaal la shaqeynayay barnaamijka.

Sida ku xusan warbixinta kulanka, mas’uuliyiinta Koonfur Afrika ayaa u sheegay Mareykanka in ay diiddan yihiin sheegashada ah in caddaanka Koonfur Afrika lagu hayo xasuuq, balse ay ka hor istaagi doonin xuquuqdooda ay ugu haajirayaan dal kale, islamarkaana aysan hor istaagi doonin barnaamijka qaxootiga.

Barnaamijkan ayaa waxaa bilaabay Madaxweyne Donald Trump, kaddib markii uu hakiyay inta badan barnaamijyada qaxootiga caalamka, isagoo mudnaan gaar ah siiyay Afrikaners, kuwaas oo uu ku dooday inay la kulmayaan cadaadis ku saleysan midabkooda. Dowladda Koonfur Afrika ayaa si adag u beenisay eedeymahaas, kuna tilmaantay kuwo aan sal iyo raad toona lahayn.

Xiriirka u dhexeeya Washington iyo Pretoria ayaa xumaanayay bilihii la soo dhaafay, gaar ahaan kaddib markii Trump uu si toos ah ula xisaabtamay Madaxweyne Cyril Ramaphosa arrinta sheegashada xasuuqa. Xiisadda ayaa sii korortay markii Mareykanku uu mamnuucay ka-qaybgalka Koonfur Afrika ee kulamada G20 ee soo socda, arrin ay Pretoria ku tilmaantay mid ciqaab ah.

Inkasta oo uu dhacay weerarkii bishii December, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa sheegtay in hawlaha qaxootiga ay weli socdaan. Waxay intaas ku dartay in bishii December ay Mareykanka gaareen Afrikaners ka badan intii bil kasta hore, isla markaana la filayo tiro intaas ka badan bisha January.

Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Koonfur Afrika ayaa beenisay inay wax wadahadal rasmi ah la gashay Mareykanka oo ku saabsan barnaamijkan.

Arrintan ayaa weli ah mid xasaasi ah, iyadoo muujinaysa khilaafka sii kordhaya ee u dhexeeya labada dal, gaar ahaan arrimaha la xiriira jinsiyadda, socdaalka, iyo siyaasadda caalamiga ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here