Koonfur Galbeed iyo QM oo ka wada-hadlay arrimo xasaasi ah + Sawirro

0

BAYDHABO (SMN)  – Ku simaha Madaxweynaha ahna Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed Mudane Maxamed Nuur Maxamed Macalin oo ay Wehliyaan Wasiiro, La-Taliyaal iyo Saraakiisha Hay’addaha Amniga ayaa Aqalka Madaxtooyada ku Qaabilay Wafdi uu Hogaaminayey George Conwey oo ah ku xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobay uqaabilsan Arimaha Biniadanimada iyo Xiriirka

 

Kulan qaatay Saacado ayaa Wafdiga ka socday Qaramada Midoobay iyo Madaxda Koonfur Galbeed kaga wada hadlay Arimaha Amniga Guud Deeganada Koonfur Galbeed Taageerida Ciidamada Qeybahooda kala Duwan iyo wax ka qabashada Arimaha Bini’adanimada.

Koonfur Galbeed ayaa waxaa haatan ka soconayo u diyaar garowga howlgal ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo hadda madaxa maamulka ay u raadinayaan taageero kala duwan.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here