Koonfur Galbeed oo si kulul hadashay isbaarooyinka gobolka Shabeelaha Hoose

0

BAYDHABO (SMN) – Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta Koonfur Galbeed oo qoraal soo saartay ayaa ka hadashay xiisadda kasoo cusboonaatay gobolka Shabeelaha Hoose ee ka dhalatay isbaarooyinka lasoo dhigtay inta u dhexeysa Wanlaweyn iyo Yaaqbiriweyne.

 

Wasaaradda ayaa shaaca ka qaaday in jidgooyooyinkaasi ay halis ku yihiin nolosha shacabka iyo nabad-gelyada guud ee deegaanka.

Sidoo kale wasaaradda ayaa soo dhaweysay howlgallada ay wadaan ciidamada Koonfur Galbeed ee lagula dagaalamayo maleeshiyaadka ku sugan halkaasi.

Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidatan:-

24-8-2024; War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Dowladda koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa u qornaa sidan:

“Waxaa nasiib darro ah in aan wali kusii aragno waddooyinka dalkeenna muhiimka u ah isbaarooyin sharci darro ah oo ay dhigtaan kooxo dano gaar ah leh. Tani waxay si toos khatar ween ugu tahay horumarka, nabadda, iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed”.

Isbaarooyinkan waxay sababeen: Nabadgelyo-darro, Hor-istaag Dhaqaalaha, Kala-fogaansho bulsho, kala shaki iyo Amni daro baahsan.

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Dowladda koonfur Galbeed Soomaaliya waxay xoojineysaa si buuxdana ugarab taagan tahay xoogaga amniga ee wada Howlgalka sifeynta isbaarooyinka, oo horeyna madaxda Dowladda go’aano cad ka soo saareen in aan la aqbali karin isbaarooyin sharci dara ah shaar walbo haloo galiyee, ayadoo la adeegsanayo: Wacyigelin iyo Xiriir Dadweyne, Sareynta Sharciga, Xoojinta iyo kaladanbeyta, ladagaalanka wax walbo oo liddi ku ah Amniga iyo Nabadgalyada deegaanada Dowladda kgs.

Waxaan cod dheer ku sheegeynaa in ay banaan tahay in lala dagaalamo, lana tirtiro kuwa xadkagudbay kana soo horjeedo Nabadgalyada, habeen iyo maalinna u taagan dhibaateenta dadweynaha Masaakiinta ee ku safra Waddooyinka Deegaanada Dowladda koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ilaahay asagoo ka hadlaayo kuwa noocaas ah ayna banaantahay in halmeel looga soo wada horjeesto ilaahay quraankiisa waxa uu ku yiri:

﴿ إِنَّمَا جَزَاءُ الَّذِينَ يُحَارِبُونَ اللَّهَ وَرَسُولَهُ وَيَسْعَوْنَ فِي الْأَرْضِ فَسَادًا أَن يُقَتَّلُوا أَوْ يُصَلَّبُوا أَوْ تُقَطَّعَ أَيْدِيهِمْ وَأَرْجُلُهُم مِّنْ خِلَافٍ أَوْ يُنفَوْا مِنَ الْأَرْضِ ۚ ذَٰلِكَ لَهُمْ خِزْيٌ فِي الدُّنْيَا ۖ وَلَهُمْ فِي الْآخِرَةِ عَذَابٌ عَظِيمٌ﴾

Ugu dambayntii, waxaan ugu baaqeynaa dhammaan bulshada ku dhaqan deeganada dowladda koonfur Galbeed Soomaaliyeed in ay si wadajir ah uga hortagaan isbaarooyinka, isla markaana ay ka qeyb qaataan dib u dhiska iyo horumarinta deegaanada.

Wadajir baynu ku gaadhi karnaa horumar iyo Nabad galyo waarta.

Dhammaad.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here