Muqdisho — Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa si kulul uga hadlay ciidamo ay sheegtay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay u daad-gureysay magaalada Baraawe, oo ah caasimadda maamulkaas.
Arrintan ayaa imaaneysa xilli horey maamulka Koonfur Galbeed uu ugu dhawaaqay inuu joojiyay wadashaqeyntii kala dhaxeysay dowladda federaalka, taas oo keentay xiisad siyaasadeed oo sii xoogeysaneysa. Dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo isa soo taraya ayaa laga dareemayaa deegaannada maamulka, kuwaas oo la rumeysan yahay inay la xiriiraan khilaafka labada dhinac.
Maamulka Koonfur Galbeed ayaa canbaareeyay ciidamadan la geeyay Baraawe, isagoo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wado tallaabooyin horseedi kara qalqal amni iyo xasillooni darro ka dhacda deegaannada maamulkaas.
DAAWO




