Koonfur Galbeed oo u diyaar garowday wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab

0

Baydhabo (SMN) – Wasiirka Amniga dowlad goboleedka  Koonfur Galbeed Xasan Cabduqaadir Maxamed iyo Taliyaha Booliska Maamulkaas G/Sare Cabdi Ibraahim Shaamow ayaa gudoomiyay kulan lagu dar-dargelinayo amniga oo maanta lagu qabtay Magaalada Baydhabo.

 

Shirka  waxaa ka qeyb galey Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Qeybta 60-aad iyo  saraakiisha qeybaha.

Kulanka waxaa looga hadlay dardar galinta Wajiga 2-aad ee dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab  ee deegaanada Koofur Galbeed iyo in Ciidamada Booliska ay ka qeyb qaataan dagaalka Shabaab looga xoreynayo deegaanada maamul goboleedka Koofur Galbeed.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here