Kooxda Al-Shabaab oo xukun adag ku ridday mas’uul ka shaqeeya arrimaha bulshada ee gobolka Baay

0

MUQDISHO (SMN) – Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta gudaha Soomaaliya ayaa maanta xukun adag ku ridday mid kamid ah shaqaalaha arrimaha bulshada ee ka shaqeeya gobolka Baay, kaas oo lagu magacaabo Abdirizaq Ahmed, sida ay ku warrantay Idaacadda Al Andalus ee ku hadasha afka argagixisada.

 

Maxkamad hoostagta kooxda, kuna taala magaalada Lego ayaa xukun dil ah ku ridday Abdirizak Ahmed oo u shaqeynayay Hay’addda SIDO NGO oo qaabilsan arrimaha bulshada ee deegaannadaasi.

Ninkan ayay Al-Shabaab ku eedeeyeen inuu howl jaajuusnimo ah ka waday degmada Lego, iyada oo Idaacaddda Andalus ay baahisay in Abdirizaq lagu qabtay qalab ay kamid yihiin Camiro, Computer Laptop ah iyo Telephone gacanta ah oo nooca Smart Phone-ka ah, isla markaana  wax ku duubi kara maqal iyo muuqaal.

Sidoo kale shaqsigan iyo haweeney kale oo ka caawineysay arrimahan, sida ay Al-Shabaab sheegeen ayaa maanta dil lagu xukumay.

Inta badan kooxda ayaa deegaannada ay ka taliso ee koonfurta iyo bartamaha dalka ka fuliso xukunno u badan dil, waxayna bartilmaameedsataa shaqsiyaadka u shaqeeya hay’adaha kala duwan ee ka howlgalka dalka, taas oo keentay inta badan Samafalayaashu kasoo cararaan dhulka ay joogaan kooxaha argagaixisada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here