Kooxo hubeysan oo weeraro ka gaystay degmooyinka Garasbaaley iyo Kaxda

0

MUQDISHO (SMN) – Degmada Garasbaaley ee gobolka Banaadir waxaa xalay ka dhacay fal ka dhan ah ammaanka oo lagula kacay dad shacab ah oo ku nool halkaasi.

 

Burcad hubeysan ayaa la sheegay in ay weerareen dukaan ku yaalla xaafada Igadaba-geey ee degmada Garasbaaley, xilli ay ku sugnaayeen wiil iyo aabihiis.

Rasaas ayay ooda kaga qaadeen kahor inta aysan dhicin dukaanka, waxaana dhaawac uu soo gaaray wiilka iyo Aabihiis, kuwaas oo haatan lagu dabiibayo isbitaal ku yaalla gudaha magaalada Muqdisho.

Sidoo kale ragga burcadda ah ayaa la tilmaamay in ay dhaceen agabyo yiilay dukaanka, kadibna ay goobta isaga baxsadeen.

Dhinaca kale waaxda Liiqliiqato ee degmada Kaxda waxaa ka dhacay fal kale, kadib markii rag hubaysan ay u dhaceen guri ku yaalla aagga Cali Goley halkaasi oo iyana ay ku dhaaweceen 2 ruux, kadibna waxay ka gaysteen dhac.

Falalkan ayaa ku soo aadaya xili ciidamada ammaanka ay laba jibaareen howlgallada ka dhanka ah dadka gaysta falalka liddiga ku ah ammaanka Caasimadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here