Ku Dhawaad 20 Askari oo Puntland looga dilay dagaal Ciidamadeeda la galeen Daacish

0

Boosaaso, Soomaaliya – Ugu yaraan 20 askari oo ka tirsan ciidamada Puntland ayaa ku dhintay, in ka badan 30 kalena waa ay ku dhaawacmeen, kadib dagaal culus oo saacado badan socday oo ka dhacay deegaanka Ceelka Maraagade ee togga Baallade, gobolka Bari, sida ay sheegeen saraakiil amni.

 

Dagaalka oo dhacay Shalay ayaa ka mid noqday kuwa ugu khasaaraha badan ee ka dhaca buuraha Cal Miskaad tan iyo bilooyinkii la soo dhaafay, waxaana lala beegsaday saldhig weyn oo la rumeysan yahay in uu yahay xarun muhiim ah oo ay kooxda Daacish ku leedahay gobolkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Puntland ay weerar ballaaran ku qaadeen saldhigga, iyaga oo halkaas kula kulmay iska caabin xooggan. Dagaalku waxa uu istaagay gelinkii dambe ee caawa, balse ciidamada Puntland ayaa weli ku hareeraysan deegaanka Ceelka Maraagade.

Sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidamada, waxaa lagu go’doonsan yahay gudaha deegaankaas dumar iyo carruur u badan qoysaska xubnaha Daacish.

“Goobaha aan galnay waxay ka mid yihiin meelihii ugu dambeeyay ee ay Daacish ku sugnaayeen,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan Puntland oo codsaday inaan magaciisa la shaacin. “Waxaan rajeynaynaa in howlgalka si buuxda loo soo afjaro maalinta berri ah.”

Kooxda Daacish ayaa muddooyinkii dambe ku dhuumaaleysanaysay buuraha Cal Miskaad, halkaas oo ay u adeegsato saldhigyo ciidan iyo marinno ay ku fuliyaan weerarro iyo dhaqdhaqaaqyo kale oo amni-darro ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here