Kulamada Golaha Shacabka Soomaaliya oo maanta dib u bilowday + Video

0

MUQDISHO (SMN) – Waxaa maanta dib u bilowdayΒ  kulamadii caadiga ahaa ee xildhibaanada Golaha Shacabka, kadib saddex fadhi oo hakad-galay sababo la xiriiro khilaafka soo kala dhex-galay xildhibaanada oo ku kala aragti duwanaaday arrinta Itoobiya.

 

Kulankan maanta oo hadda ka socdo xarunta Villa Hargeysa ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda guud ee dalka.

Dib u bilaabidda kulamada Golaha ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan xal laga gaaray xiisaddii kaa taagneyd baarlamaanka ee ka dhalatay mudanayaashii taageeray Itoobiya.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad siyaasadeed oo gudaha ah iyo mid diblomaasiyadeed oo ka dhalatay heshiiska badda ee Abiy uu la galay Somaliland.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here