Kulamo u dhexeeya Mucaaradka iyo Dowladda oo ka socda Villa Soomaaliya

0

Muqdisho – Ilo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijiyay in xalay magaalada Muqdisho ay ka dhaceen kulamo muhiim ah oo u dhexeeyay xubno ka tirsan mucaaradka iyo madax sare oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo kulamadaasi lagu falanqeeyay arrimo la xiriira xaaladda siyaasadeed ee dalka, amniga, iyo habsami u socodka howlaha doorashooyinka dalka.

 

Kulamadan ayaa lagu tilmaamay kuwo fursad u ah xallinta khilaafaadka siyaasadeed ee soo ifbaxay toddobaadyadii lasoo dhaafay, waxaana diiradda lagu saaray sidii loo yareyn lahaa xiisadaha, loona abuuri lahaa jawi wadatashi iyo isku tanaasul siyaasadeed.

Wararka ayaa intaas ku daraya in maanta la filayo in Villa Soomaaliya lagu qabto kulamo hor leh oo lagu wado inay iskugu yimaadaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka, si loo sii ambaqaado wadahadalladii xalay la furay.

Ilo ku dhow wadaxaajoodka ayaa sheegay in labada dhinac ay muujiyeen diyaar garow dheeraad ah iyo rabitaan wadashaqeyn, inkastoo weli aan si buuxda loo shaacin waxyaabaha la isku afgartay ama khilaafaadka harsan.

Kulamadan ayaa kusoo beegmaya iyadoo ay taagan tahay hadal heyn xooggan oo ku saabsan mustaqbalka doorashooyinka dalka, dib-u-eegista Dastuurka, iyo doorka mucaaradka ee geeddi-socodka siyaasadeed ee Soomaaliya.

Hoos ka daawo warbixinta Shabelle TV:

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here